Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo cambaareeyay Markab sida Dhuxul oo ku xirtay Ciraaq.

Date:

Muqdisho October 1 (SNTV):-Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan Baalle oo war-saxafadeed soo saaray ayaa xaqiijiyay iney si qoto dheer kaga wallaacsan yihiin markab ay ku raran yihiin 200,000 Kiish oo dhuxul ah oo ka soo shareecday mid ka mid ah Dekadaha Koonfurta Soomaaliya,kaasi oo ku xirtay Dekadda Ciraaq ee Ummu Qasri.

Safiirka ayaa cambaareeyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh dhoofinta sharci darada ee dhuxusha Soomaaliya,wuxuuna sheegay in arrintaan dhibaato ku tahay amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, maaddaama dhoofinta dhuxusha ay tahay ish ugu weyn ee dhaqaalaha uu ka soo gelo kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Al-Qaa’ida.

Markabka ayaa la sheegay inuu wato Document been abuur ah oo muujinaya inuu ka yimid dalka Chana.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday xukuumadda Ciraaq inay dedejiso baaritaannada ayna qaado tallaabo lagu cadeynayo Kiiska Markabka.

Soomaaliya waxay si isku mid ah ugu baaqaysaa dhammaan saaxiibbada iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah inay taageeraan dadaallada looga hortagayo ka ganacsiga sharcidarada ah iyo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Waraaqaha Aqoonsiga Danjiraha Cusub ee Dalka Aljeeriya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirka Guddiga Qaranka ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...