Agaasimihi Wasaarada Boostada isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada oo Xilka wareejiyey

Date:

Muqdisho October 1 (SNTV):-Agaasimihii ee hore ee Wasaaradda Boostayadda, Isgaarsiinta iyo Teknoojiyada Cabdiraxmaan Maxamed Cadow oo xilka wareegiyey ayaa sheegay in mudadii uu xilka soo hayey ay u qabsoomeen waxyaabo badan oo ay kamid tahay Ansixinta Xeerka Isgaarsiinta COD.

Agaasimaha Cusub ee ee Wasaaradda Boostayadda, Isgaarsiinta iyo Teknoojiyada Cabdixasiis Duwane Isaaq ayaa ka codsay Shaqaalaha Wasaaradda inay siwada jir ula shaqeeyaan COD.

Wasiirka Wasaaradda Boostayadda, Isgaarsiinta iyo Teknoojiyada Ing Cabdi Canshuur Xasan ayaa tilmaamay in uu soo dhaweynayo isbedelka cusub ee Wasaaradda ku yimid loona baahan yahay in Agaasimaha cusub uu la-yimaado dardargalin dhanka Shaqadda ah.

Wasaaradda Boostayadda, Isgaarsiinta iyo Teknoojiyada ayaa waxyaabaha u qabsoomay waxaa kamid inay soo wareejiso Astaanta .SO kaas oo horay u maqneyd.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulanka kooxda farsamada ee xargaha Badda hoosteeda mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray bandhigyada ay Hobollada Waabari u diyaarinayaan maalmaha Xorriyadda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax...

Guddoonka Labada Aqal ee BFS oo kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Ciidanka Booliiska oo wada Hawlgallo Lagu Ciribtirayo Anshax-xumada iyo Falalka Lidka ku ah Dhaqanka

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaley, ayaa...