Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo gaartay Baraawe.

Date:

Baraawe (SNTV)- Wefdi uu hugaaminayo guddoomiyaha  Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ay  wehliyaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee  Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Cabdullaahi Buule Kameey iyo Saraakiil kale ayaa u tegay magaala xeebeedka Baraawe ee gobalka Shabeelaha-Hoose howlo shaqo oo dowladda dhex ee Soomaaliya kaga wakiil  yihiin.

Ujeedada wefdiga  ay u gaareen magaala xeebeedka Baraawe ayaa ah sidii loo darsi lahaa isfaham waa u dhaxeeye maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada, iyadoo sidoo kale wefdigan la filayo in ay go’aan ka gaaraan   maxaabiis ku xiran Xabsiyada Baraawe.

Inta uu jooga guddoomiyaha ayaa la filayaa in uu sidoo kale booqdo xarumaha ciidamada oo u diyaar garowaya howlagallo guud oo dalka looga xureynayo maleeshiyada Alshabaab.

Maamulka degmada, Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa howlgalka AMISOM ayaa garoonka ku soo dhaweeyay wefdiga guddoomiyaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....