Ra’iisalwasaare kuxigeenka dalka oo gudoomiyey Shir looga hadlayay Qorshaha amniga qaranka iyo la dagaalanka Xagjirnimada

Date:

Muqdisho September 24 (SNTV);-Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta Guddoomiyeyay Shir looga hadlayay arrimaha Amniga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho.

Shirkan looga hadlayay arrimaha Amniga Qaranka labaddii biloodba mar ayaa laqabtaa waxaana looga hadlaa qodobo ay kamid yihiin falalka ku saleysan xagjirnimadda iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisadda ah.

Waxaa shirka ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka socda Dowladda Federaalka, Dowlada Goboleedyada,Ururadda Bulshadda rayidka iyo deeq bixyaasha Caalamka, Midowga Yurub iyo Dalalka Soomaaliya sidda gaar ah  u taageera.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo shirka ka hadlay ayaa sharxay muhiimadda shirka iyo waliba waxa looga gol leeyahay.

“Waxaan saakay shir isugu yimid Dowladda Federaalka, Mas’uuliyiin ka socda Wasaaradaha Maamul Gobolleedyada ay quseyso arrimahan iyo Beesha caalamka safiirka Sweden iyo mas’uuliyiin kale oo beesha caalamka ka socda,shirkaan waxaa lagaga hadlayay arrimaha amniga,qorshaha amniga Qaranka iyo xoojinta qeyb ka mid ah qeybaha uu ka kooban yahay Qorashaha amniga Qaranka oo ah la dagaalanka Fikirka Xagjirnimada iyo sidii loo wacyigelin lahaa Bulshada Soomaaliyeed dul qaad iyo wada hadal wax la yiraah loo sameyn lahaa,” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.

Mashruuca Qorshahan lagu fulinayo ayaa waxaa kala saxiixday Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ,waxaana dhanka Dhaqaalaha ka taageereyso Dowlada Sweden.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka hagidda Istiraatiijiyadda EAC 

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo...

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay saddex Khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay ku fulisay dil...

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo magacowday xubnaha Golaha Anshaxa Cilmi-baarista Qaranka

Dr. Ali Haji Adam, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka...