Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimilada Puntland oo La dhaariyay

Date:

Muqdisho September 24 (SNTV);-Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24 Sep 2018 qasriga Madaxtooyada Maamulka Puntland ee Magaalada Boosaaso lagu dhaariyey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Puntland Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye oo xilkaasi loo magacaabay 23 September 2018.

Munaasibadda dhaarta oo ka qabsoontay Qasriga Madaxtooyada Maamul Gobolleedka Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa fuliyey xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland, iyada oo wasiirka maanta lagu dhaariyey Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hortiisa.

Wasiirka maanta la dhaariyey ayaa Madaxweynuhu kula dardaarmay in si daacad nimo leh uu ugu adeego shacabka, si xilkasnimo lehna uguto waajibaadkiisa shaqo, isla’markaana uu ka dhawr-soonaado wax walba oo shaqadiisa hakad gelinaya

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta halkaan ku dhaarino Saleebaan Xaaji Cabdalle, Saleebaan soo dhowoow waan kuu duceynaynaa in Alle kuu fududeeyo shaqada laguu igmaday waxaan kuu rajeenaya wixii hawlo ah iyo mashaariic oo taagan inaad dardar geliso, aniga iyo xfiiskayga iyo Maamulkuba wixii talo iyo tusaalee ahba waan kula garab taaganahay, shaqo wanaagsan baan kuu rajeenayaa, dhana waxaan ku leenahay hambalyo, dhana Alle hakuu fududeeyo hawshaas culus ee laguu igmaday” ayuu yidhi Madaxweyana Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali gaas ayaa xasuusiyey Wasiir Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye in looga baahan yahay in uu ku hawl galo siyaasada Maamulka ee ah “Puntland Ha isku Tashato” iyadoona weliba Madaxweynuhu xusay inuu  socdo horumar baaxad leh oo lagu taaba-gelinayo kor u qaadida dhaqaalaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud...

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...