Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimilada Puntland oo La dhaariyay

Date:

Muqdisho September 24 (SNTV);-Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24 Sep 2018 qasriga Madaxtooyada Maamulka Puntland ee Magaalada Boosaaso lagu dhaariyey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Puntland Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye oo xilkaasi loo magacaabay 23 September 2018.

Munaasibadda dhaarta oo ka qabsoontay Qasriga Madaxtooyada Maamul Gobolleedka Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa fuliyey xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland, iyada oo wasiirka maanta lagu dhaariyey Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hortiisa.

Wasiirka maanta la dhaariyey ayaa Madaxweynuhu kula dardaarmay in si daacad nimo leh uu ugu adeego shacabka, si xilkasnimo lehna uguto waajibaadkiisa shaqo, isla’markaana uu ka dhawr-soonaado wax walba oo shaqadiisa hakad gelinaya

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta halkaan ku dhaarino Saleebaan Xaaji Cabdalle, Saleebaan soo dhowoow waan kuu duceynaynaa in Alle kuu fududeeyo shaqada laguu igmaday waxaan kuu rajeenaya wixii hawlo ah iyo mashaariic oo taagan inaad dardar geliso, aniga iyo xfiiskayga iyo Maamulkuba wixii talo iyo tusaalee ahba waan kula garab taaganahay, shaqo wanaagsan baan kuu rajeenayaa, dhana waxaan ku leenahay hambalyo, dhana Alle hakuu fududeeyo hawshaas culus ee laguu igmaday” ayuu yidhi Madaxweyana Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali gaas ayaa xasuusiyey Wasiir Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye in looga baahan yahay in uu ku hawl galo siyaasada Maamulka ee ah “Puntland Ha isku Tashato” iyadoona weliba Madaxweynuhu xusay inuu  socdo horumar baaxad leh oo lagu taaba-gelinayo kor u qaadida dhaqaalaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...