Wasaarada waxbarashada dowlada soomaaliya oo sheegtay inay muhiim tahay in lagawada qeybqaato horumarinta waxbarashada dalka

Date:

Muqdisho September 24 (SNTV);-Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay barnaamij cilmi baarisa ah oo ku saabsan hindise lagu kobcinayo, aqoonta, xirfadda iyo karaanka dadka Soomaaliyeed.

Barnaamijkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan dowladda federaalka, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale,waxana barnaamijkan si wada jir ah u soo qaban qaabiyay machadka Heritage  iyo jaamacadda City.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa tilmaamay in ka wasaaradd ahaan ay door ka qaadanayaan wax kasta oo lagu horumarinayo waxbarashada dalka, islamarkana loo baahan yahay in wada jir looga qeyb qaato horumarinta waxbarashada.

“Barnaamijkan oo ah mid  cilmi baaris lagu sameynayo arrimaha kala ah, Hindise lagu kobcinayo, aqoonta, Xirfadda, iyo karaanka dadka Soomaaliyeed, ka wasaarad ahaan waxaan door muhiim ah ka qaadaneynaa wax kasta oo lagu horumarinayo aqoonta dadka Soomaaliyeed, si looga gudbo jahliga”ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa tilmaamay  in arintan ay kaalin ka qaadaneyso horumarinta waxbarashada dalka.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in dalka uu soo maray dhibaatooyin kala duwan islamarkana hadda uu ka soo kabanayo, sidaasi darteed waxaa na looga fadhiya inaan gacmaha isku qabsano horumarinta waxbarashada.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada dalka , si kor loogu qaado garaadka carruurta Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...