Qaramada midoobay oo soo dhaweysay kulanka Hogaamiyaasha Jabuuti iyo Eritrea

Date:

Muqdisho September 18 (SNTV):-Xoghayaha guud ee QM ayaa  ammaanay kulanka hoggaamiyayaasha Jabuuti iyo Eritrea

Sida ay qortay wakaaladda wararka AFP, xogyaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ammaanay kulanka hoggaamiyayaasha Jabuuti iyo Eritrea oo ku kulmay waddanka Sacuudiga, isagoo sheegay in uu rajo ka qabo dedaalada nabadda ee gobalka ka billowday.

Kulanka labada madaxweyne ayaa dhacay Isniintii shaley, waxaana uu ahaa kii ugu horreeyay ee dhexmaray tan iyo markii labada dal ay ku murmeen xuduudda.

“Waxaa ku kalsoonahay in kulankan uu xaqiijin doono tallaano kale oo lagu xoojinayo guulaha nabadgelyo ee gobolka Geeska Afrika,” ayuu hadalkiisa ku yiri Guterres.

Kulankan ayaa yimid iyadoo sidoo kale Sucuudiga ay ku kulmeen hoggaamiyayaasha  Eritrea iyo Ethiopia, kuwaasoo mar isku ahaa codow, waxa ay kala saxiixdeen heshiis nabadeed oo taarikhi ah sida ay wararka sheegayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo...

Dhismaha cusub ee Kumaandooska Gor Gor oo xarigga laga jaray

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...