Qaramada Midoobay oo soo dhoweeysay heshiiska Nabadda ay gaareen Ethiopia iyo Eritrea

Date:

Jeddeah (SNTV):- Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in heshiiska ay magaalada Jeddah ku gaareen labada dal Ethiopia iyo Ereteria ay tahay arrin dhacdo Taariikhi ah.

António Guterres oo ay wasiirka Arrimaha Dibadda Saciida Adil Aljeybar  shir jaraa”id wada qabteen saxiixa heshiiska kadib, wuxuu u mahadceliyay Boqorka Sacuudiga ahna u adeegaha labada Xaram ee Shariifka Boqor Salman Bin C/casiis dadaalka badan uu geliyay nabad ka aslixinta geyiga labadaasi dal iyo soo afjarida khilaafka mudada dheer u dhaxeeyay Etiopia iyo Ereteria.

Wuxuuna tilmaamemaay in dabeesha rajada nabada ay kababanayso Afrika iyo dhinac kale hagaajinta cilaaqaadka Afrika labadaasi dal ka sokow  guud ahaan Afrrika.

Dhinac kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa isna bogaadiyay heshiiska ay labadaasi dal gaareen kuna soo afjareen colaadii mudada dheer dhex tiillay.

Hoggaamiyeyaasha Ethiopia iyo Ereteria ayaa qalinka ku duugay heshiis ay garwadeen ka  aheyd Dowladda Sacuudiga,halkaana ku soo afjarmay  colaad muddo 20-ka Sano u dhaxeyay Ereteriya iyo Ethiopia khilaafkaasi oo xuduuda la xiriiray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...

Madaxweynaha JFS oo kulan wada-tashi ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...