War-saxaafadeed:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ugu baaqday Madaxda Galmudug in ay soo afjaraan Khilaafka dhexdooda

Date:

Muqdisho(SNTV);- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socataa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan Dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka.Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doota in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug in ay soo afjaraan isafgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda looguna baaqaysaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas.

Dhammaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay doorashada Xoghayaha Ururka Magaalooyinka Carabta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada ee Aqalka Sare oo kormeer ku tagay Hay’adda SoDMA.

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani'aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...