Taliska Ciidanka Asluubta oo la wareegay Qalab Caafimaad iyo Gaari Ambalaas ah

Date:

Muqdisho (SNTV) Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta la wareegay qalab caafimaad oo ay kamid ahaayeen sariiro loogu talo galay Maxaabiista iyo gaari Ambalaas ah, si ay adeeg caafimaad oo dhameystiran u helaan maxaabiista Soomaaliyeed.

Dr Cabdinaasir Cali  Maxamed  oo ah Dhaqtar Soomaaliyeed oo muddo ku noolaa dalka Jarmalka ayaa maanta qalabkan  caafimaad iyo gaari Ambalaas ah ku wareejiyey Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, si loogu adeego Maxaabiista kujira Xabsiga dhaxe ee Xamar.

Qalabkan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah agab loogu talo galay Caruurta Agoonta ah ee kujira Xarumaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Kadare iyo Afgooye.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac ayaa u mahad celiyey Muwaadinka Soomaaliyeed ee maxaabiista soo gaarsiiyey qalabka, waxaana uu ku baaqay in ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay talaabadaan oo kale.

Dr.  Cabdinaasir Cali  Maxamed  oo halkaasi ka hadlay ayaa waxuu bogadiyay hormarka ka socda Xabsiga Dhaxe ee Xamar waxaana uu sheegay in uu sii laba jibaari doono taageerada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo haya howl dalka muhiim u ah.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ku dadaalaya sidii nolol iyo waxbarasho fiican ay u heli lahaayeen maxaabiista, iyadoo iminka ay jiraan wax soo saar ay sameeyeen maxaabiista, gaar ahaana qalab ay soo saareen iyagoo adeegsanaya Warshad laga hirgeliyey Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Taliyaha CXDS “howlgallada ‘Kaaha Waaberi’ iyo ‘Ileys’ ayaa si weyn u naafeeyay Khawaarijta”.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Sarreeye Gaas Odawaa...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo su’aalo laga weydiiyey Dagaalka ka Dhanka ah Khawaarijta*

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay warbixin...

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee BJFS oo ka dooday Axdiga Afrika ee Xuquuqda Carruurta.

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha...