Madaxda Qaranka oo ku booqday Cusbitaal xildhibaan dhaawacmay

Date:

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) iyo Ra’isal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Isbitaalka digfeer ku booqday Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud (Booroow) oo xalay ku dhaawacmay qarax loogu xeray gaarigiisa.

Booqashada waxa ku wehlinaayay xubno ka tirsan labada golle ee dowladda.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Ra’isal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiir Isbitaalka oo ku saabsan dhaawaca Xildhibaaka.

Dhamaan masuuliyiintii booqday xildhibaan Booroow ayaa Alle ugu baryay inuu caafimaad taam ah siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...