Wasiirka Difaaca XFS oo kormeeray Warshadii hore ee Tolmada dharka Ciidanka Xoogga

Date:

Muqdisho(SNTV);- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Xasan Cali Maxamed “Amardanbe”oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Daahir Aden Cilmi ayaa Waxay Kormeereen Xaruntii hore ee Warshadii Tolmada dharka Ciidanka Xooggga dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka iska xil saari doonto dhismaha Warshadan,mudada sanadkaan ka harsan la soo gaba gabeyn doono.

Dhismaha Warshadan ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa ka gacansiin doona Dowladda  aan walaalaha nahay ee Turkiga .

Dhowaan ayay ahayd markii Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga lagu wareejiyay qalabka Warshadan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...