Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo xoojinaysa kaalinta Bulshada ee ka qayb-qaadashada Nabad-galyada

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisaya Shir Wadatashiga oo ah mid xoogga lagu saarayey ka wada qeyb-qaadashada sugidda Amniga Gobalka Benaadir  iyo xoojinta Wada Shaqeynta ka dhaxeysa Hay’adaha Amiga iyo Bulshada Soomaaliyed iyo hirgalinta nidaam lagu sugi karo Amniga guud ahaan dalka, kaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa si guud looga wadda dooday sida la isaga kaashan karo wadda shaqeynta ka dhaxeysa maamulada degmooyinka iyo hay’adaha Amniga.

Zaynab Maxamuud Warsame guddoomiyaha deggmada Warta-nabadda ayaa Sheegtay in loo baahanyahay ciidamo gaar ah oo hoos-taga degmooyinka, kuwaas oo qeyb ka qaata Sugidda Amniga Gobolka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amiga Xukumadda Soomaaliya Xildhibaan C/naasir  Siciid Muuse ayaa sheegay in wasaaradda ay mar waliba u taagan tahay in amniga dalka la gaarsiiyo meel wanaaagsan.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Xukumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Maxamed Buunow oo daahfuray shirka Wadatashiga ah ayaa sheegay in loo baahanyahay wadatashi iyo wadda shaqeyn dhab ah oo dhaxmara hay’adaha Amniga iyo Bulshada, si loogu guuleysato Amniga Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo shacabka la wadaagtay ogeysiis muhiim ah

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS), ayaa shacabka Soomaaliyeed la...