Ciidanka Booliska oo sameeyey howlgal lagu soo qabtay kooxo Burcad ah

Date:

Muqdisho (SNTV) Howlgal ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen Isgoyska Buur Cali Janaale oo kala qeybiya degmooyinka Kaxda iyo Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa lagu dilay 2-ruux iyadoo lagu soo qabtay 8-ruux oo kale oo ahaa Burcad dadka wadadaasi isticmaala dhac u geysan jiray, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Qaasim Axmed Rooble Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kana mid ahaa Saraakiisha howlgalkaasi hogaaminayay ayaa warbaahinta u sheegau in ragaan la dilay qaarkoodna gacanta lagu dhigay ay ahaayeen Burcad wadada u gali jirtay dadka, islamarkaana dhac u geysan jiray.

Goobta howlkani laga fuliyay waxaa soo kormeeray Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) isagoo u mahadceliyay ciidamada howlgalkaasi fuliyay ee ka hortagay dhibaatada shacabka lagu haayay,,

Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Tuulax) ayaa sidoo kale tilmaamay in maamulka gobolka Banaadir uusan u dulqaadan doonin cid kaste oo caqabad ku ah amniga Caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...