Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb-galay casho sharaf loo sameeyey ciyaartooy Soomaali ah

Date:

Istanbul (SNTV) Waxaa magaalada Istanbuul lagu qabtay xalay munaasabad casho sharafeed ah oo   lagu so dhaweynayay isla markaana lagu abaal marinayay Aadan Axmed iyo Ramlo Cali oo ahaa ciyaartoydii Soomaaliya uga qeyb galay tartanka feerka Aduunka oo ka dhacay magalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Danjire Jaamac Cabdullahi Maxamed caydiid, Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed, Qeybaha kala duwan ee bulshada, sida haweenka, ganacsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

Richar Moore oo ahaa Macalinka ciyaartoydii Soomaalida ee Tartanka Feerka ayaa u mahad-celiyay Danjiraha iyo Jaaliyadda oo munaasabadan  casho shaarfta ah soo abaabulay.

Danjiraha Safaaradda Soomaaliyeed ee wadanka Turkiga oo gabagabadii hadalka qaatay ayaa Jaaliyadda ku amaanay waxqabadka muuqda ee ay la timid tan iyo markii dhidibada loo aasay, isagoona dhinaca kale aad u amaanay ciyaartoyda Feerka doorkii ay ka cayaareen Tartankii feerka aduunka ee ka qabsoomay Magalada Istanbul, waxaana uu guddoonsiiyay bilad sharafta Aadan Axmed iyo Ramlo Cali ay ku sharfeen jaaliyadda SoomaalIyeed ee dalka Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Waraaqaha Aqoonsiga Danjiraha Cusub ee Dalka Aljeeriya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirka Guddiga Qaranka ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...