Golaha Wasiirrada oo ka Dooday Siyaasadda Hantida Qaranka iyo Heshiisyada Caalamiga ah

Date:

Muqdisho, September 13, 2018 — Golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay uga hadleen siyaasadda dawladda ee hantida qaranka iyo hannaanka saxiixyada heshiisyada caalamiga ah.

Shirka golaha wasiirrada ayaa ugu horayn looga dooday siyaasadda hantida qaranka, waxaana falanqayn dheer kadib la isku raacay in guddi qaran oo heer wasiirro ah loo saaro tirakoobka iyo diiwan gelinta hantida qaranka si ay warbixin dhamaytiran uga keenaan hantida ay dawladdu leedahay.

Golaha ayaa magacaabay guddi ay hoggaaminayaan garyaqaanka guud iyo wasiirka hawlaha guud, dib u dhiska iyo guryaynta si ay baaritaan ugu sameeyaan shuruucda dalku lahaa ee lagu maamulo hantida qaranka, kadibna ay golaha ugu soo gudbiyaan kulanka xiga, si xukuummaddu ay ugu salayso siyaasadeeda ku aaddan ilaalinta hanitada qaranka.

Kulanka golaha oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xassan Cali khayre ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay heshiisyo ay galeen dawladihii hore, waxaana dood dheer kadib golohu isku raacay in qorshaha lagu saxiixayo heshiisyada caalamiga ah ogaysiiyo garyaqaanka guud iyo ra’iisul wasaaraha si looga fogaado dhibaatooyin kale oo laga dhaxlo heshiisyo dawladdu gasho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal...

NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ayaa hawlgal ku dishay horjoogeyaal khawaarij ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray

Turkey’s SolidAERO waxa ay soo saartay TALAY, oo ah...

Wejiga labaad ee Barnaamijka iskaashiga Shacabka iyo Haya’addaha Amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Degmada Dharkenlay ee gobolka Banaadir oo lagu qabtay kulan...