Saraakiil ka tirsan XDS oo Maanta tababar loogu qaaday Turkiga

Date:

Muqdisho-(SNTV)- 49 Saraakiiil iyo Saraakiil Xigeen ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Maanta loo qaaday Dalka Turkiga, si halkaas ay ugu soo qaataan tababar Sare loogu qaadayo aqoontooda

Saraakiishan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Goalyaasha Dowladda.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar dambe) ayaa guud ahaanba Saraakiisha iyo Saraakiil xigeennada nasiibka u yeeshay inay tababarka helaan waxa uu ugu baaqay inay dedaalkooda Laba jibbaaraan, isla markaana ay noqdaan kuwa Dalkooda wax u qabta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...