Saraakiisha ciidanka Xoogga dalka oo imtixaan laga qaadayo

Date:

Muqdisho (SNTV)- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in la qaban doono imtixaan  guud oo laga qaadayo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Ujeedka imtixaanka ayaa ah in la ogaado heerka Aqooneed iyo qibradaha ay leeyihiin saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in dhawaan la bilaabayo imtixaan guud oo ay ka qeyb gali doonaan Saraakiisha ciidanka xoogga dalka.

General Daahir Aadan waxa uu sidoo kale sheegay ujeedka imtixaanaadka looga qaadayo saraakiisha xoogga dalka isagoona sheegay qaadista imtixaanka lagu kala saarayo saraakiisha leh Aqoonta iyo kuwa ay qibradooda ay yar tahay

Saraakiisha imtixaanka ku dhacdo ayuu sheegay in loo furi doono koorso waxbarasho oo lag dhisayo heerka Aqoontooda, ka dib wareegto uu so saaray  Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug oo si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga, Mudane Axmed Xasan...

Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Magacaabista Mahad Maxamed Salaad oo loo Magacaabay Agaasimaha NISA

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Wasaaradda Caafimaadka oo Gaadiika gargaarka deg dega ah ku wareejisay Maamulka gobolka Hiiraan

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo ka qayb galay shirka warshadaha Dalalka ku bahoobay EAC

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee...