Denmark oo Aqoonsatay passporka Soomaaliga

Date:

Muqdisho September 9 (SNTV):-Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo wifdi uu hoggaaminayey oo booqasho rasmi ah ku tagey dalka Denmark kadib martiqaad uga yimid dowladda, ayaa kulamo la qaatey wasaaradda arimaha dibadda, wasiirka socdaalka, iyo xaafiiska u qaabilsan hormarinta Africa.

Kulamada oo socdey muddo labo maalin ah ayaa xoogga lagu saarey amniga, socdaalka, baasaboorka Soomaaliya iyo kaalmada Denmark ay ku bixiso dib u dhiska Soomaaliya.

Wasiirka amniga ayaa warbixin ka siiyey madaxda Demark hormarka laga sameeyey dhinacyada dowlad wanaagga, amniga, socdaalka, Dukumentiyada safarka, caddaaladda, iyo la dagaalanka Musuqqa, wuxuuna uga mahadceliyey taageerada iyo tixgelinta ay siiyaan dalka iyo dadka Soomaaliya.

Gabagabadii kulamada ayaa la isla qaatay iskaashi dhinacyada amniga iyo socdaalka ah, waxayna dowladda Denmark aqoonsatey baasaboorka Soomaaliya, iyaga oo ku bilaabi doona nooca diplomaasiga ah. Sidoo kale Denmark ayaa Soomaaliya ka caawin doonta dhismaha xaruunta lagu hubinayo amniga iyo tayada dukumentiya dalka, iyo sidoo kale dhismaha xaruunta dhexe hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyaga oo kordhin doona dhaqaalaha ay ku bixiyaan dib u dhiska Soomaaliya

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...