Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay koox Qorsheeneysay falal Argagixisanimo

Date:

Muqdisho (SNTV) Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay  koox Al-shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada Muqdisho ka fulin rabeen.

Sida lagu shaaciyey war kasoo baxay Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkaan la fuliyey 7-dii Bishaan oo ku beegneyd maalintii shalay aheyd.

“7da Sabtembar, howlgal ayaa ciidanka amnigu kusoo qabteen koox Al-shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada Muqdisho ka fuliyaan,Ciidanka amnigu waxay naftooda u huraan soo qabashada Argagixisada khatarta ku ah shacabka”ayaa lagu yiri warka kooban ee lasoo dhigay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa ka socday Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la maaganaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...