Duqeyn lagu dilay horjooge ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in degaan ku dhow degmada ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo lala eegtay sarkaal ka tirsan Al Shabaab.

Sida Wararka  xog ogaal ah aan ku heleyno duqeynta ayaa xalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana bartilmaameydka duqeynta uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab.

Sarkaalka lagu diley  duqeynta degmada Jilib, oo aan wali magaciisa la shaacin ayaa la rumeysan yahay inuu ka tirsanaa amniyaadka Al-Shabaab, wuxuuna ka qeyb qaatay weeraro badan oo ka dhacay Koofurta Soomaaliya, gaar ahaan weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Soomaaliya 14-Kii Oktoober sanadkii tegay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, balse waxaa la rumeysan yahay in sarkaalkaasi uu ku dhintay isaga  iyo maleeshiyaad ilaalo u ahaa duqeyn ka dhacday degmada Jilib ee gobalka Jubbada Dhaxe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay Jadwalka Doorashooyinka D/Gobolleedyada

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (...

Wasiirka Warfaafinta oo hambalyo u diraybahda warbaahinta munaasabadda 3-da May

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan Ka hortagga tabinta hadallada naceybka ee xilliyada doorashooyinka

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka...

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cali...