Madaxda Soomaaliya,Ethiopia iyo Eritrea oo 6-da bishan ku shiraya Asmara

Date:

Waxaa dhowaan lasoo gunaanadey shirkii FOCAC ee  ka dhacay Magaalada Beijing ee waddanka Shiinaha, laguna saxiixay heshiiska iskaashiga ganacsiga ee Africa-China ee looyaqaan “Road and Belt initiative”, iyo shirkii ka horreeyey ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo waddamada la saaxiibka ah looguna magacdaray “Somali Partnership Forum”, ee bishii Luuliyo lagu qabtay magaalada Brussels. Shirarkaas oo si buuxda u dhiirrigeliyay in laga wada shaqeeyo xasilloonida iyo isku-furnaanta dhaqaalaha gobalka.

Iyadoo laga duulayo dhiiragelinta shirarka kor ku xusan, ayaa dhowaan la qaban doonaa shir saddex-geesood ah oo dhex mari doona Madaxweynayaasha Somalia, Eritrea, iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia. Shirkaasoo ka dhici doona magaalada Asmara ee waddanka Eritrea 6da-7da bisha September 2018ka.

Shirkan waxa uu gogol xaar u yahay sidii la’isugu xiri lahaa xaaladda amni iyo kobaca dhaqaale ee waddamada gobolka oo dhan. Maadaama dunidu hadda u soo jeesatay fursadaha maalgashiga ee Geeska Afrika, waxaa lagama-maarmaan ah in aan door mug leh ka qaadanno isbeddelka iyo horumarka dhaqaale ee ka socda gobolka. Somaaliya waxay diyaar u tahay in ay qaadato doorkii ay horey u lahaan jirtay, iyada oo si firfircooni leh uga shaqeyn doonta ka faa’iideysiga fursaddaha cusub ee iskaashiga gobolka, isu soo dhawaanshaha iyo xallinta khilaafaadka geeska Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...

Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee...