Hogaamiye kooxeed hore Congo oo laga mamnuucay murashax madaxweynenimo

Date:

 

Hogaamiye kooxeedki hore ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo Jean-Pierre Bemba ayaa laga mamnuucay inuu ka qayb galo doorashada madaxtinimada ee dalkaasi dhawaan ka dhici doonta.

Bemba oo ah siyaasi caan ah ayaa waxa horay loo soo taagay maxkamadda dambiyada dagaalka caalamiga ee ICC iyada oo lagu soo eedeeyey inuu dambiyo dagaal uu geystay muddadi uu hoggaamiye kooxeedka ahaa.

Bemba wuu ku raja weynaa inuu iisu soo taago musharrax madaxweynanimada dalkaasi uga tartama doorashada bisha December dalkaasi ka dhaceyso.

Hase yeeshee, maxkamadda dastuuriga ee dalka Congo ayaa waxay soo saartay go’aan musharraxnimadiisa ay ku mamnuuceyo iyada oo sheegtay inuu yahay nin maxkamadda dambiyada dagaalka la soo taagay.

Maxkamadda dambiyada dagaalka ayaa bilooyin ka hor ka noqotay xukunki ay ku qaadday Bemba ee ahaa inuu dambi galay, waxayna maxkamaddu sheegtay ineysan helin wax caddeyn ah oo muujinaya inuu ninkan dambigaasi uu galay.

Go’aanka ICC kaddib kumannaan taageerayaashiisa ah ayaa waddooyinka Kinshasa isugu soo baxay si ay u muujiyaan farxddooda iyo taageerada ay u hayan Bemba.

Waxayna taageerayashiisu dalbadeen inuu dalkiisa hoyo dib ugu soo laabto siyaasaddana uu ku soo biiro.

Wuxuuna ugu dambeynti uu dib ugu soo laabtay magaalada Kinshasa bishi August si uu u billaabo abaabulka musharraxnimda madaxweynaha doorashada soo socotana uu uga qaybgalo.

Kumannaan qof oo safaf dhaadheer ku jirta ayaa sugeysay si ay u salaamaan balse hadda maxkamadda ayaa go’amisay inuu sharcigu uu u oggolaaneyn inuu musharraxnimo iisu soo taago.

Wakhti xaadirkanna Bemba tallaabbada uu ka qaadanayo go’aanka maxkamadda dastuurka Congo ay soo saartay weli lama garan.

Iyada oo doorashada Jamhuriyadda Dimuqradiga Congo (DRC) ka dhici lahayd muddo 2 sana ah hadba dib loo sii dhigayey ugu dambeyntina la go’aamiyey iney dhacdo bisha December ee soo socota.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Taliyaha CXDS “howlgallada ‘Kaaha Waaberi’ iyo ‘Ileys’ ayaa si weyn u naafeeyay Khawaarijta”.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Sarreeye Gaas Odawaa...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo su’aalo laga weydiiyey Dagaalka ka Dhanka ah Khawaarijta*

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay warbixin...

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee BJFS oo ka dooday Axdiga Afrika ee Xuquuqda Carruurta.

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha...