Baarlamaaka midawga afrika oo cambaareeyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay muqdisho

Date:

 

Shir ay ku yeesheen midawga Baarlamaanka Afrika magaalada Qaahir  ayaa looga hadlay arinta soomaaliya.

Mustafe Aljundi oo ah guddoomiyaha golaha Baarlamaaka woqooyiga Afrika ayaa ugu baaqay dowladaha Afrika iyo kuwa Carabta  in wax laga qabto xaalada soomaaliya,Isla markaana laga caawiyo soomaaliya sidii wax looga qaban lahaa ladagaalanka Ururada Argagixisada Ee ka dagaalama gudaha soomaaliya.

Arintan waxay timi  kadib markii gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lala beegsadey xarunta degmada Hawlwadaag ee caasimada muqdisho.

Qaraxaasoo oo ay ku dhinteen dad ka badan Sadex qof tiro kalana ay ku dhaawacantey

Mustafa Al jundi intas  wuxu ku daray in dalka soomaaliya u la dhibtaysan yahay ilaa 91kii dhibaatada dowlad la,aanta kuna jirtey mudada intaa leeg  fawdo iyo qalalaase sidoo kalana ay weheliyeen weeraro argagixiso inta badan ay ku qadan dadka shacabka ee an waxaba galabsan.

Aljundi ayaa uga tacsiyeeyey dhibaatadii ka dhacdey muqdisho xukuumada  soomaaliya shacabkii ayaa dhibtadu soo gartay  iyo eheladii ay ka bexeen dadkii  ku dhintay weerarkii shalay ka dhacay caasimada illaaheyna uga baryay inuu u naxariisto intii dhimatey intii dhaawacanteyna caafmaad dagdaga siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaalan Cabdi...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Dooxa

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka...