Dhalinyaro is abaabulay oo la dagaalamaya Al-Shabaab

Date:

Muqdisho(SNTV):–Wararka naga soo gaaraya degmada aadan Yabaal ee Gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dhalinyaro si iskood ah isku abaabulay ay bilaabeen inay beegsadaan oo ay ka hortagaan Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab.

Dhalinyaradaan ayaa is abaabulay ka dib markii Argagixisadaan ay sii laba jibaareen tacadiyada ay u gaysanayaan Bulshada ku nool degmadaasi oo ay ka mitahay Dhac, dil iyo Afduub ay kula kacayaan dadka qaar.

Qaar ka mid ah dhalinyaradaan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inaysan u dul qaadanayn in maalin kasta ay dadkooda dhibaato u gaystaan maleeshiyaadkaan Arxanka daran ee Al-Shabaab.

Sidoo kale masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Shabeellaha Dhexe oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa iyana sheegay inay ka war haayaan dhalinyaradaasi is abaabulay, haatana ay qorshaynayaan in ciidamo ka tirsan dowladda ay gaaraan degmadaasi Aadan Yabaal.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa haatan sii xoojiyay howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab, iyagoo khasaaro badan gaarsiiyay Argagixisada Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...