Shaqaale ka tirsan Hay’adda Duulista Hawada oo Tababar loo furay

Date:

Muqdisho (SNTV) Shaqaalaha tababarka qaadanaya ayaa ka koobnaa 16 iyadoo 7 ka mid ay ahaayeen Howl wadeeno ay dhaleen shaqaalihii ka howgali jiray Hay’adda Duulista Hawada xilligii Dowladii dhexe.

Qaar ka mid ah shaqaalaha tababarka qaadanayay ayaa wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada kaga mahad celiyay doorka ay ka qaadatay inay tababar helaan, iyagoo ku tilmaamay mid kuso kordhinaya aqoon iyo tayo wanaagsan.

“waxyaabo badan ayaan ka faa,iidnay  waxaana uga mahadcelineynaa sida wasaaradda ay ugu howlantahay hormarinta xirfada shaqaalaha”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Cali Gacal Gaaboow ayaa xusay in ay soo diyaariyeen shuruucdii Maamulka Hawada uu horay ulahaa dalka ismarkaana ay ku wareejinayaan Mareeyaha.

“Waxaan diyaarinay shuruucdii maamulka hawada ee uu horay ugu shaqey jiray waagii Dowladi dhexe waxaana ku wareejineynaa Maareeyaha”.

Tan iyo 1991 Burburki Dowlada Dhexe ee Dalka waa tababarkii ugu horeeyay oo nuucaan oo kale ee loo qabto Shaqaalaha Hay’adda Duulista, wuxuuna u leeyahay ahmiyad gaar ah sida uu sheegay Wasiirka wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada.

“Muhiimada gaar ayay inoo leedahay tababar noocaan oo kale in ay helaan shaqaalaha islamarkaana waxay fursad inoo siineysaa sida garoonka diyaaraha uu ula jaan qaadi lahaa garoomada deriska iyo kuwa caalamka waxaana gaarsiin doonaa dhamaan maamul goboleedyada dalka.

Dowlada Soomaaliya oo dhawaan la soo wareegtay maamulkeeda hawada ayaa hada ku Howlan tababarida Howl wadeenada ka shaqeeya Qeybaha kala duwan ee Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay doorashada Xoghayaha Ururka Magaalooyinka Carabta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada ee Aqalka Sare oo kormeer ku tagay Hay’adda SoDMA.

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani'aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...