Wasiir Beyle oo Shir Guddoomiyey Kulanka Billaha ee Guddiga Dhaqaalaha  

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa shir guddoomiyay Kulanka Billaha ee Guddiga Dhaqaalaha oo ay ka qeyb galeen Xubno ka socday IMF, Africa iyo World Bank.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay horumarka dhaqaalaha, qorshayaasha dagsan iyo wax kaqabadka caqabadaha dhaqaalaha Dalka sida uu sheegay Wasiir Beyle

“Waxaan shirgudoomiyay kulanka Billaha ah ee Guddiga Dhaqaalaha #FGC_Meeting’ kaasoo aan uga hadalnay horumarka dhaqaalaha, qorshayaasha noo dagsan iyo wax kaqabadka caqabadaha dhaqaalaha Dalka. Waxaa shirka nagala qeybgalay xubno ka socday IMF Africa, World Bank”.ayuu yiri Wasiir Bayle

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa wadda dardar gelinta howlaha Maamulka iyo Maaliyadda dalka oo ay Hay’adaha dhaqaalaha aduunka ay ku qanceen sida ay hadda wax u socdaan.

Hay’adda Lacagta Aduunka ay hore u sheegtay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu horeeya ee is hormarinaya, sababtaas darteedna Dalal badan ay Casuumaad u fidinayaan Soomaaliya, si ay hormarkeeda kaga qeyb galaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan Ka hortagga tabinta hadallada naceybka ee xilliyada doorashooyinka

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka...

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cali...

Xujeyda Soomaaliyeed oo maalintii saddexaad gaaraya Magaalada Madiina

Magaalada Madiina waxaa maalintii saddexaad soo gaaraya xujeyda Soomaaliyeed...

UNTMIS iyo Safiirka UK oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS)...