Maxkamadda ICJ oo dhageysaneysa dacwadda cunaqabateynta Mareykanka ee Iran

Date:

Qareenno ka socdaa dalka Iran ayaa Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamiga ah (ICJ) weydiisanaya in ay soo saarto amar lagu qaadayo cunaqabateynta Madaxweyne Mareykanka Donald Trump uu ku soo rogay dalkaasi.

Dacwadda ayaa lagu sheegay in cunaqabateyntaasi ay horay u dabcisay dhaqaalaha dalka Iran,isala markaana ay waxyeello gaarsiisay saaxiibtinimadi kala dhaxeysay Mareykanka ee soo bilaabatay sanadkii 1955-tii.

Maamulka Tehran ayaa bishii hore ee July ,waxa ay gudbiyeen dacwadda,iyagoo gaarsiiyay maamulka Maxkamadda Caddaaladda ee fadhigeedu yahay the Hague,waxaana lagu dalbaday in garsoorayaasha Maxkamadda ay soo saaraan amar,isla markana si degdeg ah loogu qaadayo cunaqabateynta Mareykanka u kusoo rogay dalka Iraan.

Dowladda Mareykanka ayaa la filayaa in maalinta Talaadada ah uu si caadi ah uga hadlo jawaabaha ku aadan eedahaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...