koox ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab oo lagu khaarajiyey Gobolka Baay

Date:

Muqdisho August 25 (SNTV):– Howlgalka lagu khaarajiyey Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa ka dambeeyey kadib markii maleeshiyaadkaasi ay weerar kusoo qaadeen deegaanka Daynuunaay oo katirsan gobolka Baay, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidanka Xoogga Dalka.

Wariyaheena magaalada Baydhabo Siraaji Sheekh Isxaaq oo lahadlay  Gaashaanle Sare Ismaaciil Khaliif Shire oo ah Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka ee qeybta 60-aad ayaa sheegay in ay ciidanku toogteen afar kamid ah maleeshiyaadkaasi, iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay hub  ay wateen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Deegaanka Deynuunaay oo 18-km dhinaca Bari kaga beegan magaalada Baydhaba ayaa hadda laga dareemayaa xaalad degenaasho ah, waxaana deegaanka ku sugan ciidanka Xoogga Dalka oo markii horeba gacanta ku hayey magaalada.

Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa dhowr mar ku hungoobay weeraro ay doonayeen iney la bartilmaameedsadaan ciidanka xoogga dalka, taasi badalkeedana waxey la kulmayeen jab iyo baaba’ xoogan oo ciidanka Qaranku ay u geysanayeen maleeshiyaadkaasi.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...

Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah casuumaad ugh...