Askar iyo Saraakiil loo xiray Musuq

Date:

Muqdisho (SNTV)- Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 28 Xubnood oo isugu jira Ciidamada dowladda iyo saraakiil ciidan loo xiray falal la xiriira musuqa.

Taliye ku xigeenka Hoggaanka dambi baarista Soomaaliya Bishaar Abshir Geeddi ayaa sheegay in 28 qof oo isugu jira saraakiil iyo Ciidamada amaanka loo xiray musuqa.

Arrintan ayaa daba socota olole ka dhan ah musuqa oo ay dowladda Federaalka ah billowday bilihii la soo dhaafay.

Ilaa hadda waxaa ay dowladda Federaalka ah musuq u xirtay dad uu ugu horreeyo Maamulihii Canshuuraha Furdada Xamar iyo 9 qof oo kale oo kala shaqeynayay qeybtaas, waxaa kale oo la xiray Saraakiil Ciidan, Wasiirro ka mid ah Xukuumadda oo la eedeeyay, agaasimayaal Wasaaradeed iyo kaaliyayaal Maxkamadeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran Tacliinta sare

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi...

Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ku dhintay buuraha fog...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...