Ciidanka Ururka 60aad oo kulan sagootin ah u sameeyey Abaanduulaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka

Date:

Muqdisho (SNTV), Ciidanka Taliska Ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyadda Soomaaliya, ayaa kulan sagootin ah maanta u sameeyey Abaanduulaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage oo intaan xilka Abaanduulka loo magacaabin ahaa Taliyaha Ururkaasi.

Kulanka intii uu socday ayaa Gen. Odowaa waxa uu dhageystay Talooyin iyo aragtiyo ay usoo gudbiyeen Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo dableyda Ururka 60aad ee ilaaladda Madaxtooyadda Qaranka, waxaana dhammaan ay ugu hambalyeeyeen Xilka cusub ee loo dhiibay, iyaggo ALLE uga baryey in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo dhiibay.

Siihayaha Taliyaha Ururka 60aad ee Ilaaladda, ahna Abaanduulaha Ururkaasi, Dhamme Dayax Cabdi Cabdulle oo kulanka ka hadlay, ayaa ugu horeyn u hambalyeey S/guuto Odowaa Yuusuf raage, waxaana uu xusay in Shaqada Ururka lasii dar dar gelin doono.

Abaanduulaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Ciidanka Ururka 60aad, ayaa uga mahad celiyey qaabka wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen intuu uu hayey Xilka Taliyaha Ururka, isaggoo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan shaqada, si wanaagsanna ay ula shaqeeyaan Madaxda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...