Duqa Muqdisho oo ku baaqay in munaasabadda ciidda farxadda la deeqsiiyo dadka danyarta ah

Date:

Muqdisho(SNTV): – Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciiddul Carafa u diray shacabka Soomaaliyeed ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in ay istaakuleyaan bulshada Gobolka, si maalmaha Ciidda Carafa looga farxiyo dadka danyarta ah ee ku nool Gobolka Banaadir.

Eng.Yarisow ayaa tilmaamay in barakacayaal gaaraya 500,000 oo qof ay ku suganyihiin xerayaha barakacayaasha ee ku yaalla caasimadda, qoysaskaasna aysan awoodin farxad gelinta ubadkooda, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la garab istaago.

“Diinta Islaamku muhiimadda gaar ah ayey siisay taakuleynta dadka danyarta ah, gaar ahaan maalmaha ciidaha, sidaas darteed waa in aynu dhammaanteen ka shaqeynaa sidii aan u farxad gelin lahayn dadkeenna danyarta ah.”

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow waxa uu ugu baaqay bulshada Gobolka Banaadir in ay dardar geliyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si loo ilaaliyo habsami u socodka howlgallada joogtada ah ee ciidamadu ay ku xaqiijinayaan amniga Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...