Duqa Muqdisho oo ku baaqay in munaasabadda ciidda farxadda la deeqsiiyo dadka danyarta ah

Date:

Muqdisho(SNTV): – Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciiddul Carafa u diray shacabka Soomaaliyeed ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in ay istaakuleyaan bulshada Gobolka, si maalmaha Ciidda Carafa looga farxiyo dadka danyarta ah ee ku nool Gobolka Banaadir.

Eng.Yarisow ayaa tilmaamay in barakacayaal gaaraya 500,000 oo qof ay ku suganyihiin xerayaha barakacayaasha ee ku yaalla caasimadda, qoysaskaasna aysan awoodin farxad gelinta ubadkooda, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la garab istaago.

“Diinta Islaamku muhiimadda gaar ah ayey siisay taakuleynta dadka danyarta ah, gaar ahaan maalmaha ciidaha, sidaas darteed waa in aynu dhammaanteen ka shaqeynaa sidii aan u farxad gelin lahayn dadkeenna danyarta ah.”

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow waxa uu ugu baaqay bulshada Gobolka Banaadir in ay dardar geliyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si loo ilaaliyo habsami u socodka howlgallada joogtada ah ee ciidamadu ay ku xaqiijinayaan amniga Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Howlgal lagu dilay xubno katitsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo...

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa...

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr...