Madaxweynaha oo farxadda ciidda la qaybsaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Date:

Muqdisho, August 21, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta farxadda munaasabadda ciidda la qaatay Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo salaadda ciidda kula tukaday Dugisga Tabobarka ee Janaraal Goordan.

Salaaddii ciidda keddib, Madaxweynuhu waxa uu u kuurgalay xaaladda dugsiga, isaga oo kormeeray hawlaha tabobarka ciidamada ee ka socda, halkaas oo uu warbixinno kaga dhagaystay saraakiisha tabobarka iyo maamulka dugsiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugnaa Janaraal Goordan waxa uu sidoo kale ka qayb galay xaflad lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan halkaas. Xafladda waxa ka soo qayb galay cutubyo ka tirsan Guutada 14-ka Oktoobar, Taliyeyaal, Taliye Xigeenno iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabaddu intii ay socotay waxa goobta lagu soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka oo ay soo bandhigtay kooxda Horseed ee CXDS.

Gebogabadii waxaa goobta ka hadlay Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabduwali Jaamac Gorod oo Madaxweynaha uga warxbiyey dadaallada lagu horumarinayo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu waxa uu ciidanka ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Adxaa, isaga oo si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in kooxaha argagaxisada ahi ay yihiin shisheeye ku soo duulay Soomaaliya oo u taagan gumeynta iyo gumaysiga shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo ugu soo gabbanaya diinta Islaamka.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay salaadda janaasada ee askari ka tirsanaa Guutada 14ka Oktoobar oo ku shahiiday hawlgalladii ay Ciidamada Xoogga Dalka kaga sifeeyeen kooxaha argagixisada ah deegaanno hoos yimaada Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...