Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Qaabilay Agaasimaha Arrimaha Haweenka Ee Qaramada Midoobay

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay agaasimaha arrimaha haweenka ee qaramada midoobay, Phumzile Mlambo-Ngcuka, oo markii ugu horaysay socdaal ku timid dalka Soomaaliya kadib casuumaad ay ka heshay wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka XFS.

Ra’iisul Wasaara Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay in dawladda federaalka Soomaaliya ay heer wanaagsan kasoo gaarsiisay matalaadda haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda, waxa uuna ballan qaaday in ay sii wadayaan dadaallada lagu garab istaaagayo haweenka, isaga oo ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed dawrkii ay ku lahaayeen badbaadinta qaranka iyo bulshada xilligii burburka.

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf oo kulanka qayb ka ahayd ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Phumzile Mlambo-Ngcuka ay si qota dheer uga hadleen arrimha haweenka Soomaaliyeed, ka qayb galinta haweenka arrimmaha siyaasadda iyo horumarinta dalka, xooojinta taageerada dawrka haweenka iyo sidoo kale sidii ay u wada shaqayn buuxda u yeelan lahaayeen hay’adda haweenka u qaabishan Qaramada midoobay iyo wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

Phumzile Mlambo-Ngcuka ayaa hoggaanka dawladda federaalka Soomaaliya ku ammaantay garab istaaga haweenka iyo ka qayb gelintooda siyaasadda iyo guud ahaan dadaallada horumarinta dalka, waxa ayna dhanka kale ballan qaaday in ay hay’addoodu si dhaw ula shaqaynayso wasaaradda haweenka si loo dar-dar geliyo horumarinta arrimaha haweenka.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh gelisay sidii haweenka Soomaaliyeed ay si buuxda qayb qaadan lahaayeen siyaasadda dalka, horumarinta amniga, iyo dadaallada dib loogu dhisayo dalka si loo celiyo sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed ay ku lahayd dunida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...