Dowladda Soomaaliya oo diyaarineysa Hanaanka dib u Heshiisiinta Qaranka

Date:

Muqdisho (SNTV)- Shirka wadatashiga Diyaarinta Hanaanka Qaran ee dib u Heshiisiinta ayaa diirada lagu saaraya sidii loo heli lahaa qabya qoraalka siyaasadda qaran ee dib u heshiisiinta dalka.
Waxaa ka qeyb galaya qeybtiisa maanta oo uu furay ku simaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudahaย  Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda Soomaaliyaย  Mudane Cabdulaahi Faarax Wehliye,ย  waxaa ka qeyb galaya madax ka socota heyโ€™adaha dowladda Federaalka.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisinta Soomaaliya Cabdulaahi Maxamuud Xasan ( Azhari) waxa uu sheegay in wadatashiyada Hanaanka qaran ee dib u heshiisiinta inuu soo maray marxalada kala duwan wasaaraduna uu ku han weyntahay inuu noqdo mid mira dhala, lana gaaro dib u heshiisiinta iyo iscafin waarta .

ku simaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudahaย  Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka Mudane Cabdulaahi Faarax Wehliye oo furayย  kulanka waxaa uu tilmaamay muhiimada shirkani furmay uu yahay in la helo hanaan sal adag leh oo lagu wajaho dib u heshiisiinta dalka.

Wasiir Wehliye ayaa intaa ku daray in Wasaaradda Arimaha Gudaha ay ku goโ€™an tahay hogaaminta dib u heshiisiinta waarta.

Madaxda heyโ€™adaha dowladda ka socda oo ka hadlay madasha shirka ayaa bogaadiyay wadatashiga wasaaaradda Arimaha Gudaha ee la sameynaysa dhammaan dhinacyada muhiimka u ah diyaarinta hannaanka qaran ee dib u heshiisnta, Shirkan ayaa soconaya laba maalmood iyada oo maalinka berrita ahย  qeybtiisa labaad latashi lala sameyn doono ururada bulshada rayidka oo laf dhabar u ah geed u socodka hannaanka dib u heshiisiinta qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale