Al-Shabaab oo Gaari rakaab ah ku Rasaaseeyay agagaarka Mandheera Kenya

Date:

Nairobi-(SNTV)-Ku dhowaad 8 Qof oo Rayid ah ayaa ku dhaawacmay Rasaas ay dableey loo malaynayo Al-Shabaab ku fureen Gaari rakaab ahaa oo marayay inta u dhexeysa Mandheera Kenya iyo Ceel waaq Soomaaliya.

Gaarigan oo uu noociisu ahaa, Toyota Land Cruiser ayaa loo galay halka lagu Magacaabo War guduud, waxaana xaaladdooda laga deyrinaya Saddex ka mid ah Dadka ku dhaawacmay weerarka, halka dhowr Qof oo kalana lagu dabiibayo Cuspitaalka Ceel-waaq.

Dadka saarnaa Gaariga ayaan illaa iyo haatan la ogeyn tiradooda, maaddaama rakaabka qaarkii ay ka baxsadeen Rasaasta la huwiyay Baabuurka ay la socdeen, balse waxaa socda baaritaanno lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen.

Waxaa jira dhaliilo ay Dadka degaanka usoo jeedidanyaan masuuliyiinta Dowladda Kenya, markii ay madaxda Gobolka ka jawaabi waayeen xiriirro ku aaddan ammaanka oo ay la sameeyeen Shacabka halkaasi ku dhaqan.

Isha/ Daily Nation

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...