Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo berri booqanaya Turkey

Date:

Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ayaa u amba baxay dalka Turkiga ka dib markii uu casuumaad ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Raccep Tayyip Erdogan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu casuumay in uu ka qeyb galo shirweynaha 6aad ee caadiga ah ee ee xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka ee ka taliya Turkey,kaas oo qabsoomi doona 18-ka bishan oo ku beegan berri oo sabti ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmi doona madaxweynaha Turkiga Mudane Erdogan oo ay ka wada hadli doonaan  xiriirka laga geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkey iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo sara u qaadista ganacsiga iyo maal gashiga.

Dalka Turkey waxa uu jaal dhow u yahay Soomaaliya oo uu garab u noqday xilli adag,waxaana labada dal ka dhexeeya xiriir walaaltinimo iyo iskaashi oo aad u xooggan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...