Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan la qaatay Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamsa Asad Haashim, waxaana ay kawada hadleen arrimo badan oo quseeya Soomaaliya iyo Qatar.

Taliyaha iyo Safiirka, ayaa si gaar ah uga wada hadlay siddii Dawladda Qatar ay uga qeyb qaadan laheyd Tababarka, dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo dib u dayactirka qaar kamid ah Xarumaha Booliska ee ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay.

Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamsa Asad Haashim, ayaa sheegay in Dawladdiisa ay diyaar u tahay in ay ka qeyb qaadato Horumarka dalka iyo dib u dhiska Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Booliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”, ayaa uga mahad celiyey Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya sida wanaagsan ee uu xafiiskiisa ugu soo dhaweeyey.

“Waxaan kulan la qaatay Safiirka dawladda Qatar ee Soomaaliya oo aan kala hadlay inay garab nagu siiyaan dadaalka aan ugu jirno dib u dhiska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee dhanka tababarada iyo qalabka, Danjire Xasan Xamsa Asad Haashim, waxaan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee uu iigu soo dhaweeyey Xarunta Safaaradda Qatar ee Soomaaliya” S/gaas Bashiir Ameeriko

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...