G/Shacabka oo kullan la qaatay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

Date:

Muqdisho(SNTV);- Kulanka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka uu maanta la qaatay Mas’uuliyiinta hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacyaasha ayaa ahaa mid Guddiga warbixin ku saabsan waxyaabaha ay hay’adda qabato gaar ahaan warbixin ku saabsan xaalada dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah daafaha caalamka iyo dadka gudaha ku barakacay.

Gudiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacyaasha ka dhageystay baahiyaha ay qabaan wuxuuna uga mahad celiyay howsha adag oo ay hay’adu heyso.

Xildhibaan Maxamed C/lle Faarax Geesey oo ah Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Gudiga arrimaha gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in muhiimadda kullanka uu ahaa sidii warbixin dhameystiran Guddiga uga heli lahaa arrimaha Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha,islamarkaana uga jawaabi lahaa baahiyaha jira.

Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa dardar gelinaya howlaha horyaala Guddiga si Shacabka Soomaaliyeed loogu adeego.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...