Dowladda hoose oo marti qaad u sameysay wefdigii Eritrea

Date:

Muqdisho, August 15, 2018– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa munaasabad casho sharaf ah ugu sameeyey xarunta Dawladda Hoose wafdiga dalka Eritrea ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Mudane Cismaan Maxamed Saalax.

Marti sharafkan oo ay goob jog ka ahaayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed, ayaa qaar ka mid ah kooxo fanneedka qaranku waxa ay u soo bandhigeen wafdiga dalka Eritrea suugaan ka tarjumeysa hiddaha iyo dhaqanka soo jireenka ah ee shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyey taariikhda magaalada Muqdisho ay u leedahay soo dhaweynta iyo marti gelinta Madaxda caalamiga ah ee booqashada ku yimaada Soomaaliya, isagoona sheegay in munaasabaddan ay ka tarjumeyso dib-u-kabashada dalka iyo sida uu u soo kobcayo amniga Caasimadda.

“Magaalada Muqdisho waxa ay astaan u tahay dawladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaiyeed. Dhammaanteen waxaan xasuusannahay sida ay ugu soo hiran jireen Madaxda Afrika iyo guud ahaan caalamka, maantana waxaa muuqata ifafaallo ku saabsan in maqaamkaasi uu u soo laabanayo caasimadda.”

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Eritrea Mudane Cismaan Maxamed Saalax ayaa uga mahad celiyey Duqa Caasimadda soo dhaweynta sare ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in uu ku faraxsan yahay sida ay Soomaaliya uga soo kabaneyso bur burkii ku dhacay.

Sidoo kale, Wasiirka dalka Eritrea ayaa tilmaamay xiriirka ka dhaxeeya labada shacab iyo sida ay dhaqan wadaagta u yihiin, isagoo u rajeeyey shacabka Soomaaliyeed horumar iyo barwaqo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...