Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka iyo Wasaaradda Dastuurka oo wada kulmay

Date:

Muqdisho (SNTV)-Guddiga joogtada ee Golaha shacabka ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka kula kulmay xubno uu hogaaminaayay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Cilmi.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay halka ay marayaan hanaanka dib u eegista dastuurka, wada shaqeynta guddiyada dastuurka iyo Wasaaradda dastuurka.

Wasaaradda Dastuurka ayaa soo bandhigtay intii uu kulanka socday cutubyada lagu guuleystay in dib u eegis lagu sameeyo iyo kuwa hada ay dib u eegista ku socdaan.

Sidoo kale wasaaradda Dastuurka ayaa soo bandhigtay jadwalka shaqada ee la xiriira howlaha dib u eegista iyo caqabadaha hor taagan in qodobada qaar dib u eegis lagu sameeyo.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in Wasaarada Dastuurka ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee dib u eegista loogu sameynayo dastuurka.

“Runtii wasaarada dadaal ayay wadaa, golaha shacabka waxaan ka codsanaya in wasaarada dastuurka iyo guddiyada dhisan inaad kala shaqeysaan howlaha culus ee horyaallo, si loogu guuleysto in dastuur loo dhan yahay aan yeelano”. ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaarada dastuurka.

Xubnaha guddiga joogtada ee kulanka ka qeyb galay ayaa wasiir ku xigeenka iyo xubnihii la socday weydiiyay su’aalo ku saabsan cutubyada dib u eegista lagu sameeyay, sidoo kale waxa ay ku biiriyeen talooyinkooda.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka soo xiray ayaa ku dheeraaday muhiimada dastuurka iyo dardar gelinta howlaha dib u eegista.

Guddoomiyaha ayaa wasaarada dastuurka faray iney shaqooyinka ay wadaan sii labada jibaaraan, golaha shacabkana ay usoo gudbiyaan warbixin dhameystiran si waqtiga haray loogu faa’iideysto.

Ugu dambeyn Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in guddiga joogtada ee golaha shacabka uu la xisaabtamayo wasaarada dastuurka iyo guddiyada ku howlan dib u eegista dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wejiga labaad ee Barnaamijka iskaashiga Shacabka iyo Haya’addaha Amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Degmada Dharkenlay ee gobolka Banaadir oo lagu qabtay kulan...

Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga

Guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis ayaa ku dhawaaqay Khamiista...

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarisay Hey’adda SODMA

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkaan abaalmarinta hoggaamiyaha ugu...

Ciidanka XDS oo howlgallo ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...