Madaxweyne Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda dalka Ereteriya

Date:

Muqdisho, August  13, 2018; Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ereteriya Mudane Cusmaan Saalax iyo Lataliyaha Madaxweynaha Ereteriya Mudane Yemane Gebreab oo saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Socdaalkan wafdiga Ereteriya ku soo gaareen magaalada Muqdisho ayaa daba socda safarkii uu Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay ay ku tageen magaalada Asmara dabayaaqadii bishii hore, halkaas oo ay labada Madaxweyne ku kala saxiixdeen heshiis lagu dardargelinayo iskaashiga labada dal.

Qodobbadii ay labada Madaxweyne ku heshiiyeen waxaa kamid ahaa in labada dal ay si rasmi ah u yeeshaan xiriir dibloomaasiyadeed oo asaaskiisu yahay in la isweydaarsado safaarado iyo dibloomaasiyiin iyo in laga shaqeeyo, lana dhammaystiro hirgelinta qorshaha isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey wafdiga socdaalka ay ku yimaaddeen Muqdisho, waxa uuna xusay mudnaanta uu iskaashigu u leeyahay horumarka Gobolka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in dalalka Geeska Afrika aanay sinnaba u kala maarmi karin maadaama oo ay dano badan isaga xiran yihiin, wuxuuna ballanqaaday in dawladdiisu ay ka shaqaynayso sidii iskaashi buuxa u dhexmari lahaa dalalka Geeska Afrika.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ka go’an soo celinta maqaamkii ay Soomaaliya ku lahayd Geeska Afrika, waxayna diyaar u tahay inay door weyn ka qaadato iskaashiga dhinacyada isdhexgelka dhaqaale, bulsho, iyo amni oo dhexmara dalalka Geeska Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...