R/wasaare Khayre oo Shir-guddoomiyay Kulanka Todobaadlaha ah ee SMP3

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta Shir guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee barnaamijka kormeerka shaqaalaha (Staff Monitored Program SMP3), oo looga hadlay wixii ka qabsoomay barnaamijka dayn cafinta iyo daba galka waxyaabaha aan wali qabsoomin.

Wasiirka maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka war bixiyay shirka ayaa sheegay in diiradda lagu saaray qorshayaal la taaban karo oo cad-cad oo loo qaadayo hannaanka dib u qaabaynta maaliyadda si loogu guulaysto qorshaha dayn cafinta.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta nasoo booqday. Nidaamka geedi socodka dayn cafinta oo aad ugu wayn ajandaha Ra’iisul Wasaaraha annagana nagu wayn ayaan ka wada hadalnay. Halka aan taagannahay, halka aan ka nimid iyo meesha aan u soconno, waxa uu na siiyay talo iyo tusaalo, waxaa jira shuruuda badan oo nalaku xiray si aan ugu guulaysan karno barnaaminka cafinta daynta”, ayuu yiri wasiirka maaliyadda xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa aad ugu mehed celiyay wasiirka iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, habaka wanaagsan ee ay uga shaqaynayaan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo diyaarinta barnaamijyada Soomaaliya looga cafinayo daymaha, Sidoo kalen waxa uu tilmamaay in aan dib u dhis lagu samayn karin dalka hadii aan la hagaajin dhaqaalihiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...