Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Dhagax Dhigay Dhismaha Waddada Liido

Date:

Muqdisho Sabti August 11 (SNTV);-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee xeebta Liido ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay ka qayb galka dadaallada isku tashiga ah ee lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shacbka Soomaaliyeed iyo Dawladda Federaalka ah ay hor yaallaan qorsheyaal muhiim ah oo ku aaddan sidii dib loogu dhisi lahaa waddooyinka, kaabayaasha nolasha iyo goobaha taariikhiga ah ee dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ku ammaanay Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka ay ku bixiyeen sidii dib loogu dhisi lahaa waddooyinka Caasimadda, isagoona tilmaamay in dhismaha wadada Liido ay leedahay ballaaran maadaama ay marin u tahay goobo dalxiis oo soo jiidanaya dalxiiseyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa uga mahad celiyey Ra’iisul Wasaaraha kaalinta ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka qaadatay dhismaha waddadaan oo noqonaysa middii 5-aad ee la hirgeliyo tan iyo bilowgii sannadkan 2018-ka.

Maamulka Gobalka Banaadir oo fulinaya barnaamijka xukuummadda ee dib usooo celinta kaabyaasha dhaqaalaha dalka iyo bilcda magaalada Muqdisho ayaa horay u dhisay wadooyin muhiim ah oo burbursanaa waqti dheer.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...