Kumanaan Qaxooti Soomaali ah oo laga daadgureeyay dalka Yeman

Date:

Geneva Arbaca August 8 (SNTV);- U qeybsanaha Qaraamada Midoobay ee Arrimaha Qaxootiiyada Aduunka ayaa Talaadadii shalay aheyd  shaaca ka qaaday in lagu guulaystay in 2000 qof Soomaali ah laga daadgureeyo dalka Yeman iyadoo laga dejiyay Dekedda magaalada Berbera.

Warku wuxuu intaa ku daray, in daadgureynta dadkaasi oo aheyd mid mutadawacnimo ah ay iska kaashadeen Hay’adda Socdaalka Aduunka , Maamulayaasha dalka Yeman iyo kuwa Soomaalida.

Afhayeen ku hadlayay Magaca Hay’adda Qaxootiga Aduunka,  ayaa shir jaraa’id oo lagu qabtay Dekedda Cadan oo lagu ambabixinayay qeybtii ugu dambeysay ee qaxootigaasi Soomaaliyeed ka sheegay in Dekedda Berbera uu ku xirtay markab siday 116 Qaxooti Soomaali ah wuxuuna intaa raaciyay in howshaasi daadgureynta ah uu qeyb  ka yahay Barnaamijka Hay’adda Qaxootiga Aduunka (UNHCR)  ay ku saacidayso sidii dadka dalkooda dib uga laaban lahaayeen dhaamaanba Somaalida ku sugan Yeman siiba meelaha ay dagaaladu ka socodaa.

Wuxuuna intaa raciyay in  dalka Yeman ay ku harsan yihiin 270.000 Qaxooiiti ah oo 256 ka mid ah ay ahaayeen Soomaali kuwaasoo dhamantood saamey weyn ku yeeshay dagaalada ka socoda dalkaasi Yeman oo colaadu la degtay.

Wuxuu kaloo sheegay in Qaxootiyada  weli ku harsan Yeman cidii dalkeeda dib ugu laabanaysa kana mid ah qaxootiyada weli ku sugan Yeman ay hay’addu diyaar ula tahay kaalmo bini’aadanimo loona fidinayo tashiilaadka ay u baahan yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...