Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tegnoolajiyada Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay falkii dilka ahaa ee lagula kacay maamule ku xigeenkii shirkadda Isgaarsiinta Golis.
War ka soo baxay wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tegnoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri “wasiirka, wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda waxa ay si wadajir ah u cambaareynayaan dilkii magaalada Boosaaso loogu geystay ALLAHA u naxariistee maamule ku xigeenkii shirkadda Golis Puntland Marxuum Cabdullaahi Cali Cumar oo si xaq darro ah loogu dilay Boosaaso, waxa ayna tacsi u dirayaan Qosykii iyo maamulka shirkadda Golis ee uu ka baxay”.
Wasiirrada ayaa ku baaqay in gacanta lagu soo dhigo dhagar-qabeyaashii falkaasi dilka ah ka dambeeyey, isla markaana caddaaladda la horkeenno.