Wasiiradii uu magacaabay Ra’iisulwasaare Kheyre oo xilkooda loo dhaariyay

Date:

Muqdisho(SNTV);- Guddiga joogtada ee golaha shacabka BJFS ayaa maanta dhaariyay xubno cusub oo ka mid noqonaya golaha wasiirada Soomaaliya.

Kulanka dhaarinta oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) iyo xubnaha guddiga joogtada.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku-xigeen Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo qaar ka mid ah golaha Wasiirada.

ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in xubnahaan cusub ay qeyb ka yihiin barnaamijka dardar gelinta xukuumada.

“ Mudane Guddoomiye waxa sharaf weyn inoo ah inan idiin soo gudbino lix mas’uul oo golaha wasiirada ku soo biiray oo afar ka mid ah ay halkaan joogaan, mudane guddoomiye mas”uuliyiintan maanta la dhaariyay waxa ay qeyb ka tahay dargelinta barnaamijka weyn ee xukuumada iyo in dhiig cusub lagu shubo si loo gaaro hadafka xukuumadda” ayuu yiri Ra’isal Wasaare ku-xigeenka xukuumadda.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa wasiirada cusub kula dardaarmay iney si sax ah shaqadooda u gutaan.

“ Golaha shacabaka waxa uu furmi doonaa 10-ka September wasiirada xildhibaanada ah waxa ka rabnaa iney kulamada golaha soo xaadiraan oo ay labada shaqo si wanaagsan u gutaan” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Wasiirada maanta la dhaariyay waxa ay kala yihiin:-

  1. Mudane C/llaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare.
  2. Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha.
  3. Mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya.
  4. Mudane Saqar Ibraahim Cabdalle Wasiir ku xigeenka Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha.

Dhanka kale Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...