faa’idooyinka Caafimaad ee Saliid Macsarada

Date:

Muqdisho Axad August 5 (SNTV)Saliid macsarada waxaa la isticmaali jiray kumannaan sano ka hor, oo hindida iyo shiineeyska ayaa u isticmaali jiray daawo lagu daweeyo cuduro badan,waxaana loo yaqaanaa boqorada saliidaha, waxaana magacaas ay ku muteysatay qiimaheeda caafimaadka iyo  cunno ahaanba.

macsarada waxaa wadankeenna laga muddo fog, waxaana shiidideeda loo adeegsan jiray geelle oo inta lagu xirro makiinada wax shiidda lagu wareejiraa gella,

hadaba waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa faa’idooyinka caafimaad ee macsarada.

  1. macsarada waa saliid cunnada loo isticmaalo leh caraf udgoon.
  2. waxay ka hortagtaa cudurada halista ah sida;- kansarka.
  3. waxaa kujira 7 maaddo oo xanuun ba’biye ah.
  4. waxay u roontahay oo lagu daweeyaa, welwelka, xanaaqa iyo hurdo la’aanta.
  5. waxay u roontahay yiridka iyo cudurada afka.
  6. waxay daawo utahay cudurka kolistaroolka kacsan.
  7. waxay joojisaa qolfoofida xididada, waxayna furtaa xididada xaniban ee wadnaha.
  8. waxay jilcisaa caloosha, waxaana lagu daweeyaa saxa adeegga.
  9. waxay daawo utahayh wareerka iyo aragtida aciifta.
  10. waxaa lagu daweeyaa oo ay uroontahay kacsanaanta iyo isku buuqa maskaxda.
  11. waxay nafaqo utahay korniinka tinta wayna dheereysaa.
  12. waxay oogada ka ilaalisaa ileyska iyo kuleylka qorraxda.
  13. waxay daawo utahay xanuunka caadada, waxaana lamariyaaa caloosha, gaar ahaan qeybta xudunta ka hooseysa xilliga caadada.
  14. waxay yareysaa qalleelka iyo xanuunka haweenka dhalmadeyska ah waxaana lagu shubaa saxaaxa.
  15. waxaa saliidan kujira borotiinnoaad ubadan oo ku filnaan kara qofka hadduu cunto kadhigto,
  16. waxaa kujira dufanta kordhisa xusuusta iyo xifdinta.
  17. waxaa kujira fitamiinka E kaasoo firfircooni galiya wareegga dhiigga.
  18. waxaa kujira saliiddan kaalshiyan, botaasiyam iyo fosfate oo jirka aanan ka maarmin.
  19. waxay ka qeybqaadataa koontaroolida cadaadiska dhiigga.
  20. waxay daawo utahay baabasiirka, qofka joogteeyana baabasiir isma arkaan sida la xaqiijiyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga doorashooyinka oo qabtay kulan looga hadlayay dardar galinta Diiwaangalinta 

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Dooraashooyinka Qaran iyo Soohdimaha Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Maalinta Shaqaalaha Adduunka...

Wasiirka Batroolka XFS oo ka qeybgalay Shirka Istanbul Natural Resources Summit

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo loogu soo dhoweeyay magaalada Algiers

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...