Jarmalka oo furay xarumo lagu karantiilayo muhaajiriinta inta ay ka helayaan aqoonsiyada magangelyo doonka ah ‘Sawirro’

Date:

Axad, August, 25, 2018, Muqdisho (SNTV) Qaar kamid ah dadka dhaliilaya talaabadani ayaa ku tilmaamay in ay tahay mid lagu takoorayo dadka magangelyo doonka ah kuwaasi oo lagu sii hayo xeryaha illaa ay ka helanaa rusqadda joogitaanka, iyadoo ay talaabadani sidoo kale tahay mid u muuqato arin lagu karantiilayo dadka qaxootiga ah.

Dalka Jarmalka ayaa billaabay inuu furo xarumo loogu magacdaray xarumaha amniga halkaasi oo dadka qaxootiga ay ay joogi karaan islamarkaana raadsan kara codsiyadooda magengelyo doonka ah.

Wasiirada Jarmalka ayaa sheegay in guryaha kuyaala xeryaha loo sameeyay qaxootiga ay kasii wadan karaan codsiyadooda magengelyo raadiska ah, balse dadka dhaliilsan arrintani ayaa ku sheegay in ay tahaya talaabo lagu karantiilayo dadka qaxootiga ah.

Jarmalka ayaa ka furay xarumahani cusub oo loogu talo galay in lagu hayo muhaajiriinta kasoo gudbaya xadka uu dalkaasi la wadaago Austria waxaana arrintai ay dhalisay walaac laga qabo tallaabooyinka iyo sida loo dhaqangelinayo iyadoo waafaqsan dhinaca xuquuqda aadanaha.

Waa xaruntii ugu horreeysay ee loo smaeeyay dadka muhaajiriinta ah arbacadii la soo dhaafay waxaana ay dhabaha u furi doonta in ay ka gudbaan albaabada kuyaala gobolka Bavaria oo ah gobolka ugu weyn ee kuyaala dhinaca Koonfurta dalka Jarmalka.

sameynta xarumahani ayaa timid kadib markii ay go’aankaasi ay si maslaxad ku jirto u aqbaleen Ra’iisulwasaare Angela Merkal iyo Wasiirkeeda Arrimaha gudaha Horst Seehofer, islamarkaana ah hogaamiyaha xisbiga midowga ee CSU.

Wasiirka Arrimaha gudaha Jarmalka Horst Seehofer ayaa damacsanaa in xilka uu iska casilo hadii ay dowladda Jarmalka si shuruud la’aan ah u aqbali wayso qorshihiisa ku aadan in baaritaan lagu sameeyo siyaasadda soogalootiga iyo in dib loo celiyo muhaajiriinta kuwaasi oo loo diiwaangeliyay in ay yihiin dad magangelyo doon ah gudaha dalal kuyaala qaaradda Midowga Yurub iyadoo ay qaar kamid ah dadkaasi ay diideen in ay yihiin kuwa magangelyo doon ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...