Ciidanka Amniga oo toogasho ku dilay kooxo Baabuurta dadka ka dhex disha

Date:

Ciidammada amniga oo magaalada Muqdisho ku toogtey kooxo hubeysan oo Baabuurta ka dhex dad aan waxba galabsan kaddib markii ay ciidanku kula kulmeen mid ka mid ah Isgosyada Muqdisho.

Ciidammada Amniga caasimadda ayaa fashiliyey koox hubeysan iyo gaarigii ay wateen oo isku dayey in ay si xoog ah ku dhaafeen bar ay ku sugnaayeen ciidammada, dhowr daqiiqad ayeey is rasaaseeyeen ciidammada iyo malleeshiyaadkii baxsadda ahaa, hasa yeeshee ciidanka ayaa toogtay laba ka mid ah malleeshiyaadkaan oo markii horeyna xogtooda ay hayeen ciidanka Amniga.

Wararka ayaa sheegaya in malleeshiyaadkaas mid ka mid ah uu ka baxsadey goobta ciidankuna ay ku raad-joogaan, ciidammada amniga caasimadda ayaa billaabay in ay dabogallo ku sameeyaan kooxo maalmahan dilal ka geysanayey Muqdisho.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hay’adda...